Thursday, April 30, 2026
HomeWararDEG DEG: Madaxweyne Cali Mahdi oo geeriyooday

DEG DEG: Madaxweyne Cali Mahdi oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo ilo-wareedyo kale u xaqiijiyeen warbaahinta .
Wararka ayaa sheegaya in Cali Mahdi Maxamed uu maalmihii ugu dambeeyey ku xanuunsanaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya .
Cali Mahdi Maxamed waxa uu Soomaaliya madaxweyne ka noqday 26-kii Janaayo 1991-kii, markii xukunka laga tuuray Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna xilkaas si rasmi ah u hayey illaa 3-dii Janaayo ee 1997-kii, inkasta oo muddadaas ay dalka hareeyeen dagaalo sokeeyey, oo aanu maamulkiisa shaqeyn.
Cali Mahdi Maxamed waxa uu 1-dii Janaayo 1999-kii ku dhashay magaalada Jowhar ee xarunta gooblka Shabeellaha Dhexe. Waxa uu ahaa 82 jir.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe