Thursday, April 30, 2026
HomeWararXildhibaan ka tirsanaa BF Soomaaliya oo geeriyooday

Xildhibaan ka tirsanaa BF Soomaaliya oo geeriyooday

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa saaka ku geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Eng. Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa u geeriyooday xanuun haayey maalmihii u dambeeyey, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehalladaasi.

Marxuumka ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka, wuxuuna soo nqoday wasiir dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxa uu golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka soo tirsanaa tan iyo sanadkiii 2012-kii.

Allaha u naxariistee waxaa geerida ku timid xildhibaanka ka tacsiyeeyey ra’iisul wasaaraha xilka sii haha & guddoonka golaha shacabka Soomaaliya.

Eng. Maxamed Maxamuud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe