Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Boosaaso, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Shaqo ka joojinta guddoomiyaha ayaa ku timid eedaymo la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee magaalada Boosaaso, waxaana wareegtada lagu xusay in madaxweyne Deni uu tallaabadan u cuskaday qodobka 80-aad ee dastuurka Puntland.
Wareegtadan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lagu yiri, “Madaxweynuhu markuu arkay talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyo cabashooyinka ka imanaya shacabka degmada Boosaaso.”
Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.
Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta.
Privacy Policy
This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

