Saturday, April 25, 2026
HomeWararTaliyaha Ciidamada xoogga dalka oo gaaray Beledweyne

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo gaaray Beledweyne

Magaalada Beledwyene ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa gaaray wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 27aad, kuwa AMISOM  iyo mas’uuliyiin ka tirsan  dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa I nta uu ku sugan yahay Magaalada Beledweyne waxaa uu la kulmi doono Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu booqan doonaa sida uu ugu kuurgalo xaaladooda Xeryaha Ciidamada dowladda gaar ahan qetbta 27aad ku leeyihiin Magaalada Beledweyne, isaga oo saraakiisha Ciidamada kala hadli doona daradr gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa horay waxaa uu kormeer ug tegay Saldhigyada iyo xerooyinka ay Ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin degaannada Gobolada Gedo iyo Shabeellaha Hoose.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe