Tuesday, November 18, 2025
HomeWararSucuudiga oo ka hadlay weerar lala damacsanaa caasimadda dalkaas

Sucuudiga oo ka hadlay weerar lala damacsanaa caasimadda dalkaas

Sucuudiga ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar gantaal oo lala damacsanaa in lagu garaaco caasimadda Riyaad.

Waxay ku eedeysay weerarkaas fallaagada Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen.

Warbixinno lagu baahiyey telefishinka dowladda ayaa lagu sheegay in dhowr diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha wadin oo bambooyin lagu soo rakibay oo ku wajahnaa magaalooyin ku yaalla Koonfurta Sucuudiga isla markaana ay burburiyeen.

Ilaa hadda lama soo tebin khasaare nafeed iyo mid maalba oo ka dhashay weerarkaasi.

Waxaa sare u kacay weerarada Sucuudiga uga imaanayo dhinaca Xudduudda Yemen xilli Sucuudiga uu hoggaaminayo howlgallada ka dhanka maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran.

Bishan ayay aheyd markii madaxweyne Joe Biden uu shaaciyay in Mareykanka uu hakin doono tageeri uu siin jiray dagaalka uu hoggaaminayo Sucuudiga ee Yemen.

QORAALADA LA XIRIIRA

165 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe