Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka KM4, gaar ahaan dhismihii hore safaaradda Turkiga ee wadada Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxa, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo xiray wadooyinka soo gala, waxaana loo diiday inay dadka iyo gaadiidka ka agdhawaadaan.

