Wednesday, April 29, 2026
HomeWararWariye Maanta kasoo muuqday Maxkamadda Ciidamada Puntland

Wariye Maanta kasoo muuqday Maxkamadda Ciidamada Puntland

Waxaa Maanta oo Sabti ah Maxkamadda Ciidamada Puntland kasoo muuqday Wariye  Kilwe Aadan Faarax, kaas oo Muddo laba Bilood ah ugu  xiran Magaalada Garoowe laamaha Amniga Puntlad.

Wariyaha ayaa Maxkamadda Ciidamada Puntland waxaa ay ku eedeysay Saddex qodobka oo kala ah, horkicid sharci shido, daabicidda ama faafin warar been ah oo Khalkhal galinaaya deganaanshaha dadweynaha & yasitaan la yasay qaranka ama maamulka dowladda).

Qodobada loo adeegsaday kiiska Wariye Kilwa ayaa ah Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee duugoobay (1964) kaasoo hadda loo adeegsado in lagu maxkamadeeyo Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Abuukaataha u doodaya Wariyaha oo lagu Magacaabo Abuukaate Mustafe Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Maxkamadda Ciidamada Puntland ay ka dakbadeen in ay cadaymo u keento eedeymaha ay u soo jeedisay Kilwe Aadan Faarax.

Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa 11-kii Bishii Jannaayo ee sanadkaan 2021 waxaa ay ku eedeysay Wariye Kilwe  Aadan isku day dil, balse eedeymihii hore la bedelay.

Wariye Kilwe Aadan Faarax ayaa la xiray kadib markii Barta Facebook uu ku leeyahay uu kusoo tebiyay dibadbax ay dhigayeen dad ka cabanayey sicir-bararka oo ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland oo Maanta ka hadlayay shir uu ka furay Magaalada Garoowe waxaa uu ku sheegay in Wariye Kilwa uu yahay dambiile, isla markaana Maxkamad la horkeeni doono, waxaa uu sidoo kale rago uu ka muujiyay in uu xorriyadiisa uu helo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe