Friday, May 1, 2026
HomeWararWafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb lana kulmay Qoor Qoor

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb lana kulmay Qoor Qoor

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda fedearalka ah ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Wafdiga oo uu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalanka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Sguute ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Amniga Galmudug iyo saraakiilka tirsan qyebta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed.

Ujeedada Wafdiga Wasaaradda Gaashaandhiga  ee Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay Qiimeynta xagga Amniga Gobalka, Furista Maxkamadda u gaar ah Ciidamada ka howlgalla degaannada Galmudug iyo Dar-dar gelinta Howlaha Maxkamadda Ciidamada.

Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda fedearalka ah ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa  ay Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaateen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor, iyaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe