Friday, May 1, 2026
HomeWararShirkii wadatashiga doorashooyinka oo uu ku baaqay Farmaajo oo dib u dhacay

Shirkii wadatashiga doorashooyinka oo uu ku baaqay Farmaajo oo dib u dhacay

Dhawaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ku baaqay shir looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in lagu qabanayo magaalada Garowe, hayeeshee shirkaasi uu dib u dhacay.
Maanta oo ku beegan 15-ka Bisha Febarayo ayuu qorsuhu ahaa in shirkaasi uu furmo, balse uu u baaqday sababo la xiriira in puntland ay sheegtay in an lagala tashan ayna dooneyso in Muqdisho lagu qabto, waxaana ku raacay Maamulka Jubbaland, Gudodomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharixiinta.

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu shalay wareegto ku Magacaabay guddi farsamo oo ka ooban 14 Xubnood, kuwaas oo ka kala socda DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gbolka Banaadir, kuwaas oo Maalinta berit ah shirk u yeelanaya Magaalada Baydhabo.
Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.
Xubnaha Gudiga ayaa shirkooda waxaa ay uga hadlayaan sida uu u dhici lahaa shirka madasha wadatashiga Madaxda dowladda, ajandayaasha looga hadlayo iyo goobta rasmiga ah oo lagu qabanayo, in kastoo weli dowladda Soomaaliya ay ku adkeysaneyso in lagu qabanayo Magaalada Garoowe.
Maalmo ka hor qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan aaminsaneyn in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanayo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe