Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan Ahna Gudoomiyaha Guddiga xal uhelidda shaqaaqadii ka dhacday aagga degmada isku shuban ayaa gaarey Degmada isku shuban.
Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah wasiirka wasaaradda Hawlaha guud Axmed Bashiir Muuse, wasiirka wasaaradda Tamarta iyo biyaha Axmed Taaraan , wasiiru dawlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Kulan, iyo wasiiru- dawlaha Wasaaradda dakadaha Maxamed Yusuf wacays Dhedo & Guddoomiye xigeenka Labaad ee Gobolka Bari.
Wafdiga ayaa kulan la qaatay bulshada degmada isku shuban iyagoo kala hadlay xoojinta nabad-galyada deegaanka.
Maanta ayaa waxaa si toos ah u bilaabanaysa gogosha nabadeed ee lagu hishiisiinayo beelaha shaqaaqadu dhawaan ku dhexmartay aaga degmada isku shuban.

