Saturday, May 2, 2026
HomeWararSuudaan oo digniin la xiriirta Wabiga Nile u dirtay Itoobiya

Suudaan oo digniin la xiriirta Wabiga Nile u dirtay Itoobiya

Xukuumadda Sudan ayaa sheegtay in go’aanka ay Itoobiya keligeed ku gaartay in ay buuxiso harada biyo-xireenka Niil “halis ku yahay nabadgelyadeeda qaranka.
Wasiirka biyaha iyo waraabka, Yaasir Cabbaas, oo waraysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ugu baaqay Maraykanka, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in ay dhexdhexaadin ka galaan khilaafka u dhexeeya Itoobiya, Masar iyo Sudan ee ay isku hayaan arinta biyo-xireenka.

Itoobiya ayaa bilowday sannadkii hore buuxinta harada biyo-xireenka in kasta oo ay Masar iyo Sudan ka dalbadeen in aanay arintaa ku dhaqaaqin ilaa inta saddexda dhinac ay marka hore heshiis ka gaarayaan arinta.
Cabbaas ayaa ka digay in ay Itoobiya tallaabadaa ku dhaqaaqo oo ay bilowdo bisha Juulaay ee soo socota “arintaasi waxay halis gelin doontaa nolosha kala badh dadka ku nool badhtamaha Sudan iyo sidoo kale saamayn taban oo ay ku yeelan doonto wax soo saarka beeraha iyo kooraanka” ayuu yidhi.
Sudan iyo Masar ayaa wadahadallo aan midho dhalin oo socday toban sano la waday Itoobiya tan iyo markii ay biowday dhismaha biyo-xidheenka sannadkii 2011.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe