Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Malleyshiyo hubeysan.
waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo jugta iyo dhawaqa rasaasta laga maqlayo Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidanka uu hoggaamiyo Janaraal Xuud ay xalay si dhuumaalaysi ah ay kusoo galeen magaalada, waxaana ka war helay Ciidanka Dowladda ee ku sugan Magaalada Baladweyne, taasi oo keentay in dagaalku uu qarxo subaxnimadii hore ee saaka.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa, inkastoo aan wali la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Saaka ka socda Magaalada Baladweyne.
Ciidanka uu hoggaamiyo Janaraal Xuud ayaa horay dagaallo xooggan waxaa la galeen Ciidanka Dowladda ee ku sugan Baladweyne, waxaana inta badan dagaaladaasi ay waxyeelo kasoo gaartay dadka shacabka ah ee lagu dul-dagaalamay, iyadoo ay xusid mudan tahay in Jabhaddaasi ay kasoo horjeeddo maamulka Cusub ee Dowladda Soomaaliya ka dhistay Hirshabeelle, kaasi oo shacabka Hiiraan ay sheegeen in aysan aqoonsanayn maamulkaasi uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen.
Privacy Policy
This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

