Thursday, July 30, 2026
HomeWararTanzania oo sheegtay in aanay soo iibsan doonin tallaalka korona

Tanzania oo sheegtay in aanay soo iibsan doonin tallaalka korona

Iyadoo laga cabsi qabo fiditaanka fayraska korona, ayaa wasiirka caafimaadka Tanzania, Dorothy Gwajima, sheegtay in aanay xukuumadda qorshaha ugu jirin in ay soo iibsato talaalka cudurkaas.
Hadalkan wasiirka ayaa soo baxay todobaad uun ka dib markii Madaxweyne John Magufuli uga digay shaqaalaha caafimaadka in ay qaataan tallaalka fayraska korona, isaga oo sheegay walow aan caddayn soo bandhigin in talaalkaasi dhibaato u keeni karo bulshada.

Bishii hore ayaa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ku tirtirsiday Tanzania in ay ka fiirsato sidii shacabka dalkaas loo talaali lahaa, laakiin madaxweyne John Magufuli ayaa shaki geliyey wax tarka talaalka waxaanu shacabka ku dhiirri geliyey in ay is uumiyaan oo ay Alla baryaan.
Tanzania waxay ka mid yahay dhawr dal oo dunida ka mid ah oo aan shaacinin tirada dadka fayrasku ku dhaco. Shaqaalaha isbitaallada ayaa se sheegay in tirada dadka waadhadhka loo dhigayo fayraska ku dhacay iyo kuwa u dhintayba ay kordhayso.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe