Thursday, April 30, 2026
HomeWararImaaraat-ka oo lagu daray dalalka dadkoodu aysan tagi karin Ingiriiska

Imaaraat-ka oo lagu daray dalalka dadkoodu aysan tagi karin Ingiriiska

Imaaraatka Carabta, Burundi iyo Rwanda ayaa lagu daray “liiska cas” ee dalalka laga mamnuucay in dadkoodu ay safarro ku tagaan UK.
Tallaabada,oo looga gol leeyahay joojinta faafitaanka nooca cusub ee Coronavirus ee ka soo unkamay Koofur Afrika, ayaa dhaqan galaysa maanta oo Jimco ah.
Dadka u dhashay Britain, Ireland iyo kuwa xaqa degganaanshaha ku leh Ingiriiska ayaa loo oggolaan doonaa inay galaan dalkaas balse waxay ku qasban yihiin inay muddo 10 maalmood ah guriga isku karantiilaan.
Tiro ka tirsan dadka caanka ka ah baraha bulshada ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay booqday Dubai iyadoo UK ay mamnuucday safarrada aan muhiimka ahayn.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe