Thursday, April 30, 2026
HomeWararDowladda Soomaaliya & Jubbaland oo Guulo ka kala sheegtay dagaalka Beled-xaawo

Dowladda Soomaaliya & Jubbaland oo Guulo ka kala sheegtay dagaalka Beled-xaawo

Iyada oo dagaal uu ka socdo degmada Beled-xaawo ee Gobolka gedo, kaas oo u dhaxeeya ciidamada dowladda ay diyaaradaha ku geysay Gedo iyo kuwa Jubbaland ee uu hoggaaminayo Wasiirka amniga Jubbaland ayaa waxaa guulo ka kala sheegtay dowladda Soomaaliya & Maamulka Jubbaland.
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa sheegay in jabhad ay soo hubeysay dowladda Kenya ay soo weerareen Beled-xawo, hayeeshee ay iska difaaceen ciidamada dowladda jilibkana u dhigeen.

Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud sayid Aadan ayaa sheegay in Ciidamada daraawiishta Jubbaland eek u sugnaa duleedka Beled-xaawo la soo weeraray, isla markaana ay iska difaaceen, iyaga oo kala garan waayay in Ciidamada dowladda ay geysay gobolkaas ay yihiin kuwa soo weeraray iiyo Al-Shabaab.
Madaxweyne kuxigeenka oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in Ciidamada Jubbaland ay la wareegeen degmada Beled-Xaawo ee gobolka gedo wallow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Maamulka Jubbaland.
Xaalada degmada Beled-Xaawo ayaa Maanta kacsan, waxana gebi ahaan Go’an Isgaarsiinta Magaalada, taas oo keentay in aan wax badan laga ogaan Karin khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo xaalada magalada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe