Monday, April 20, 2026
HomeWararSomaliland oo xayiraadii ka qaadday Universal tv{AKHRISO}

Somaliland oo xayiraadii ka qaadday Universal tv{AKHRISO}

Somaliland ayaa maanta xayiraadii ka qaaday telefishinka Universal oo kamid ah telefishinada madaxa bannaan, kadib muddo dhowr bilood ah oo lagaga mamnuucay inuu ka shaqeeyo gudaha Somaliland.

Qoraal maanta kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa lagu sheegay in wasaaradda iyo telefishinku kala saxiixdeen heshiis cusub oo ilaalinaya dastuurka iyo xeerarka u degsan xuska maalmaha qaran.

Bishii june dhamaadkeedkii sanadkii hore 2020, ayaa universal tv lagu soo rogay xayiraadda maanta laga qaaday kaddib markii TV-gu diiday baahinta khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi ee habeenkii 26-ka June.

Somaliland ayaa Universaltv ku eedeeyay in ay xurmeyn waayeen maalinta ay xornimada qaateen gobolladii Waqooyi ee haatan ah Somaliland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe