Dowlada Somaliya ayaa magaalada Muqdisho kasoo daad gureyneysa ergadii ka qeybgeli laheyd shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo horey u iclaamisay dowladu
Beelaha daga Galmudug ayaa qaarkood sheekeen inaysan ka qeybgeli doonin shirka dib u heshiisiineed ee wado dowladu waana sababta keentay in dowladu dad ka keento Muqdisho maadaama dadka deegaanku diideen
Dad badan ayaa isweydiinaya hadii dadka jooga deegaanka aan la isku keenin faa,iidada ka dhalan karta in la isku keeno dad laga keenay Muqdisho oo aan horey tabasho uga dhaxeyn
Gudiga dib u heshiisiinta ee dowladu mgacowday ayaa horey safar ugu maray deegaanada Galmudug qaaekood hase yeeshee waxay ku guuldareysteen in beelaha la qanciyo sidoo kalena ergooyin soo dirsadaan
Shirkan oo lagu balansanaa in maanta uu furmo oo ku beegan 17 bishan 8 2019 ayaa baaqday kadib markii la waayay ergadii ka qeyb geli laheyd waana markii labaad uu baaqdo furitaankiisa
Rajo badan lagama qabo in natiijo kasoo baxdo hadiiba uu qabsoomo shirku maadama aysan ka qeybgeli doonin inta badan beelaha deegaanka

