Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa war saxaafadeed kasoo saartay howlgal ciidamada ammaanka Jubbaland ay ku fashiliyeen miino ay Malleeshiyaadka Al-shabaab ku duugeen xaafada farjano ee magaalada Kismaayo 25 May 2019 taas oo ay la damac sanaayeen in ay ku wax yeeleenyaan shacabka ku nool magaalada Kismaayo.
Taliyaha Booliska qaybta Gobolka Jubbada Hoose Maxamed Naasir Guuleed ayaa war baahinta u akhriyay warsaxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland.

