Faah Faahin Qarax Goordhow ka Dhacay Magaaladda Muqdisho.
Gaar nuuca raaxada ah ayaa la sheegayaa inuu ku qarxay dhabarka dambe Iskaashatada ee degmada xamarweyne ee gobalka Banaadir.
Ciidamada Amaanka ayaa xaqeejiyay in gaarigu uu ahaa NOHA islamarkaana la dhigay meel gawaarida lagu dhaqo oo ay ka soo Hor jeedaan Gooba ganacsi, sida tima jarayaal iyo dukaaman.
Lama shaacin qasaaraha jira, Hasa yeeshee goobta ay wax ka dhaceen ayaa u dhaxaysa Beerta nabada iyo Guriga Hooyooyinka ee Muqdisho
Hase ahaatee Lama Oga Inta uu la Eg yahay Qasaaraha Qaraxa balse Waxaa Socda Dadaalo lagu Ogaanayo Saameynta Qasaaraha Qaraxan Gordhow ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

