Tuesday, April 21, 2026
HomeWararWasiir Goodax oo Jowhar ka sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland Fashilma

Wasiir Goodax oo Jowhar ka sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland Fashilma

Wasiir Goodax oo Jowhar ka sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland Fashilma.

Wasiirka Waxbarashada dowladda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa goor dhow ka sheegay magaalada Jowhar in Imtixaanka Puntland maanta ka bilowday uu fashilmay

“Imtixaan waa fashilmaa, saacadaan la joogo Puntland imtixaan ay qaadeysay wuu fashilmay,”ayuu yiri Goodax Barre oo qiil u raadinayay fashilkii ku dhacay dhowaan imtixaanka dugsiyada sare ee dalka Wasaaraddiisa mas’uulka ka aheyd, isagoo caddeeyay in 104 goobood oo Imtixaankaas laga qaaday uu hal goob ka fashilmay oo ah 1%.

Hadalka ka soo yeeray Wasiir Goodax ayaa ku soo beegmaya iyadoo Maanta Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu Ardeyda Puntland u Daah Furay Imtixaanka shahaadiga ah.

In ka badan 15,800 ardey oo wiilal iyi Gabdho ayaa dhowr Goobood oo Gudaha Puntland ku yaala ka mid ah Meelaha ay Ardeyda Imtixaanka Ugu Fadhiisteen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe