Jeneraal Sakiya Xuseen Axmed taliye ku xigeenka ciidammada Booliiska Soomaaliya oo goor dhow shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in ciidammada amniga ay ku guuleysteen in ay Miinooyinka nooca Taangiga ka soo saaraan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Waxa ay sheegtay in Sidoo kale Ciidanka Amniga ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo laga soo qabtay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Ugu dambeyntii waxa ay tilmaamtay in ay socdaan howlgallo lagu baadigoobaayo Al-Shabaab, kuwaasoo la aamisan yahay in ay ku sugan yihiin Xaafado ka mid ah Muqdisho.

