Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa mudanayaasha barlamanka sidoo kalena ahaa wasiir kuxigeenka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Somaliya ayaa maanta ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday dhismaha xarunta wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.
Al shabaab ayaa sheegatay weerarka lagu qaaday dhismaha wasaarada waxaana ilaa hada sirasmi ah aan loo ogeyn tirada dadka ku dhintay weerarka balse waxaa la xaqiijiyay geerida wasiir kuxigeenka.

