Si Looga Hortago Haraadiga Miinooyinka Iyo Walxaha Qarxa Ee Kale Sida Banbaanooyinka oo Ah Iyagu Kuwo Ku Badan Deegaanada Galmudug Maadaaba Dagaalo Sokeeye Ka Dhaceen Iyo Burburkii Dowladii Dhexe oo Saameen Googan Ku Yeelatay Deegaanadaan Ayaa Kulan Wacyi Galin Iyo Sida Looga Hortagi Ka Waxaa uu Ka Dhacay Degmada Galinsoor Kaas oo U Dhexeeyay Taalnta Miina Baarista Booliska Galmudug Taliska Boliska Galinsor Iyo Maamulka Degmadaasi.
In Kastoo Bilowgii Sanadkaan Cusub Dhowr Kiis oo La Xariirta Miinooyin Qarxa Ay Ka Dheceen Deegaano Dhor Ah Ayaa Hadana Taliyaha Booliska Degmada Galinsoor Ee Gobolka Galgaduud Cabdi Ciise Faarax Waxaa uu sheegay In Degmada Galinsor Ay Ku Hareereesan Yihiin Goobo Badan oo Ay Miinooyin Yaalaan Iyo Fariisamo Xiligii Dowlada Dhexe Milatarigu Ku Lahaa Taasi oo Sababti In Dhibaatada Ugu Badan Caruurtu Ay Kala Kulmaan.
Taliyaha Laanta Miina Baarista Booliska dawlad goboleedka galmudug maxamed cabdi maxamed maxamed dhere ayaa shegey inay heegan u yihiin sidii bulshada loogabadbaadinlahey waxyeelada wax yaabaha qarxa ee deegaanka yaala
Gudoomiyaha degmada galinsoor xirsi muuse maxamed Ayaa Gunaadankii Madasha Ka Hadlay
SAWIR QAADE:- Cabdirisaq Al Cadaala


