Tuesday, May 26, 2026
HomeWararMadaxweynayaasha Somaliya Iyo Jabuuti oo Maanta Kulmaya

Madaxweynayaasha Somaliya Iyo Jabuuti oo Maanta Kulmaya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay gaaray dalka Jabuuti soona geba-gabeeyay booqashadii uu ku tegay dalka Burundi ayaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah uu la kulmo dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Arrimaha diiradda lagu saarayo kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka walaaltinimo, xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga amni ee labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu safarkiisa kusoo geba-gabeen doonaa Magalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya,halkaas oo lagu wado inay ku kulmaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulamada uu Madaxweyne Farmaajo la qaadanayo Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliland ayaa ah kuwo la wada sugayo,waxaana xiisa gooni ah leh kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi,kaas oo bilaaw u noqon doona wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe