Sunday, May 31, 2026
HomeDhageysiDhageyso:- Koonfur Galbeed Oo ka Hadashay Dad Al-shabaab Ka Afduubteen Bakool

Dhageyso:- Koonfur Galbeed Oo ka Hadashay Dad Al-shabaab Ka Afduubteen Bakool

Xilli Maalmihii Dambe Ay Soo baxayeen Warar Sheegayaa In Dagaallamayaal ka Tirsan Kooxda Al-shabaab Ay Afduub Ka Geysteen Duleedka Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool Ayaa Arrinkaas Markii Ugu Horreysay Waxaa Kahadlay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiir Ku Xigeenka Amniga Mamulka Koonfur Galbeed C.risaaq Aadan cabdi Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Faah-Faahin Ka Bixiyey Dadka Halkaasi laga Afduubtay.

Wasiir Xigeenku Waxa Uu Sheegay in Arritaasi Ay hadda Ku Daba Jiraan isla-Markaana Ay Baaritaano Dheeraad Ah Ku Hayaan Waxa Uuna Intaa Ku daray In Aysan Heyn Tirada Dhabta Ah Ee Dalka La Afduubtay.

Waxa Uu Tilmaamay In dadka la Afduubtay Ay Yihiin Dad Shacab Ah Isla-Markaana Aanay Ku Jirin Cid U Shaqeysa Maamulka KGS Iyo Dawladda Dhexe Ee Dalka.

Dhinaca kale Wasiir Xigeenku Waxa Uu Ka Hadlay Shaqaaqooyinkii Magaalada Baydhabo Ka Dhacay Intii Lagu Guda Jiray Doorashadii Madaxtinimo Ee Maamulkaasi Isaga Oo Sheegay In Weli Socdaan Xog raadinta Dhabta Ah Ee Ku Aadan arrinkaasi.

Waxa Uu Tilmaamay In Weli Hawlahoodii Ay Wataanm Guddigii Xaqiiqo Raadinta Ahaa Ee Madaxweyne Lafta-Gareen U Xilsaaray Banaanbaxyadii Rabshadaha Watay Ee Ka Dhacay Magaaalada Baydhabo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Ku Xigeenka Amniga:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe