Tuesday, May 26, 2026
HomeDhageysiDhageyso:- Madaxweyne Baasto Oo Tacsi Ka Diray Geerida Xildhibaan Xasan Caarad

Dhageyso:- Madaxweyne Baasto Oo Tacsi Ka Diray Geerida Xildhibaan Xasan Caarad

Allaha u naxariistee, waxaa magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalka Kenya Caawa Ku Geeriyooday Xildhibaan Xassan Maxamed Axmed (Xasan Caarad) oo Ka Tirsanaa Barlamaanka Galmudug.

Geerida Xildhibaanka Ayaa Waxaa Hadlay Isla-Markaana Tacsi Ka Diray Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug Garabka Cadaado Axmed Maxamuud Xasan Axmed Baasto.

Madaxweynaha Ayaa Sheegay In Xildhibaan xasan Caarad Uu Ka Mid Ahaa Xildhibaanadii 89-Ka Ahaa Ee lagu Aas-Aasay Maamulka Gal-mudug Isla-Markaana Kaalin Ka Qaatay Dhismaha Gal-mudug.

Shacabka Reer Gal-mudug Gaar Ahaana Ehallada Xildhibaanka Ayuu Ugu Duceeyey In Allah Samir Iyo Iimaan Kasiiyo Sidoo Kale Xildhibaanka Ayuu Alle uga Baryey In Uu Jannatul Fardwas Ka Waraabiyo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Axmed Baasto:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe