Dabley hubaysan ayaa Xalay Saqdii Dhexe weerar culus ku qaaday saldhiga wadnaha ee koonfurta magaalada Laascaanood,sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Shacabka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa soo sheegaya in ay xalay gelinkii dambe hurdada ka toosisay rasaas xooggan oo ku hoobanaysa saldhiga koonfureed ee magaalada.
Dableyda weerarka qaadday oo aan la aqoonsan ayaa sidoo kale bumbooyin ku tuuray saldhiga ka hor inta aysan rasaasta bilaabin,sida ay sheegeen dad ku sugnaa xaafadaha deriska la’ ah saldhigaasi.
Goobjoogaashu waxay sheegeen in weerarka oo bilowday abbaare 3:15am uu socday mudda saacad ah,islamarkaana rasaastu ay ka dhacaysay hal dhimac,balse waxay intaasi raaciyeen in aysan weli wax faahfaahin ah ka hayn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Hase yeeshee sawir mobile-ka gacanta lagu qaaday ayaa muujinaya dab weyn oo ka holcaya saldhigii weerarka lagu qaaday,kaasoo inta badan laga arkay gudaha magaalada Laascaanood.
Somaliland weli wax war ah kama soo saarin khasaaraha ka dhashay weerarka,iyadoo ay haatan xilli hore oo aroornima tahay.

