Wednesday, June 24, 2026
HomeWararQawmiyadaha Oromada Iyo Soomaalida Oo Saaka Ku Dagaallamay Mooyaale

Qawmiyadaha Oromada Iyo Soomaalida Oo Saaka Ku Dagaallamay Mooyaale

Ugu yaraan 13 Qof ayaa ku geeriyootay halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen kaddib dagaallo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku dhexmaray Oromada iyo Soomaalida degmada Mooyaale.

Labada dhinac oo shalay iyo Darraad aad u dagaallamay ayaa la sheegayaa in mar kale ay saaka dagaallameen inkasta oo hadda la sheegayo in xaaladda ay deggantahay.

Dagaalkii saaka oo billowday salaaddii subax kaddib ayaa la sheegayaa in la isaga gubay guryo iyo goobo kale oo ay ka midyihiin xafiisyada maamulka Dowladda.

Dagaalkan ayaa salka ku haya dhul ballaarsi lagu eedeynayo Ismaamulka Oromada oo doonaya in ay Mooyaale maamulkooda lagu daro.

Dadka Soomaalida ah ee degaankaas ayaa sheegaya 90% Mooyaale ay degganyihiin Soomaalida islamarkaana ismaamulka Oromada ay doonayaan in degaankaas la hoosgeeyo maamulkooda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe