Tuesday, October 28, 2025
HomeWararGudaha5,435 muhaajiriin Soomaali ah oo sanadkan tahriib ku galay qaaradda Yurub

5,435 muhaajiriin Soomaali ah oo sanadkan tahriib ku galay qaaradda Yurub

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda lagu magacaabo DTM (Displacement Tracking Matrix) ayaa muujisay in inta u dhaxaysay Janaayo ilaa Agoosto 2025, ay 5,435 muhaajiriin Soomaali ah gaareen Yurub, iyagoo u soo maray badda iyo dhulka.

Warbixintan ayaa waxay muujinaysaa koror gaaraya saddex jibbaar marka loo eego tiradii la diiwaangeliyey isla muddadaas sanadkii 2024.

Muhaajiriinta Soomaaliyeed ayaa lagu arkay dhammaan waddooyinka waaweyn ee ay dadka ku galaan Yurub, waxaana ugu badan kuwa u soo gudbay Talyaaniga iyagoo isticmaalay Badda Mediterranean-ka. Qayb kale oo badan ayaa iyaguna gaartay Isbaanish iyagoo u soo maray Galbeedka Mediterranean-ka, halka qaar kale ay tageen Giriigga iyo Qubrus oo ay u soo mareen Waddada Bari ee Mediterranean-ka. Qaar yar ayaa sidoo kale gaarey Jasiiradaha Canary ee Isbaanish iyagoo isticmaalay Waddada Atlantic ee Galbeedka Afrika.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Soomaalidu hadda ka yihiin ku dhawaad afar boqolkiiba dhammaan muhaajiriinta soo gaaray Yurub sanadkan 2025, taasoo ka dhigaysa inay yihiin mid ka mid ah qowmiyadaha ugu badan ee Afrika ka yimaada.

Hay’adda DTM ayaa sheegtay in xogtan lagu salaynayo sahanno ay ka samaysay Spain iyo Talyaaniga, balse Giriigga weli laguma samayn sahanno rasmi ah. Sidaa darteed, xogta la xiriirta Waddada Bari ee Mediterranean-ka laguma darin warbixintan, balse waxaa lagu dari doonaa sida hay’addu sheegtay marka cilmi-baaristu sii socoto.

Khabiirro ku takhasusay arrimaha socdaalka ayaa sheegay in kororka tirada muhaajiriinta Soomaaliyeed ay la xiriirto sababo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin amni darrada ka jirta Soomaaliya, shaqo la’aanta, iyo rajo xumada mustaqbalka gudaha dalka. Qoysas badan ayaa sheegay in ay rajeynayaan nolol ka wanaagsan Yurub, inkastoo safarka badda uu khatar weyn ku yahay noloshooda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe