1. Doorashada 2026 – Khilaaf Sii Kordhaya
Dowladda federaalka iyo mucaaradka weli kama jirto wax heshiis ah oo ku saabsan qaabka doorashada.
Dowladda ayaa isku dayeysa inay hore u riixdo qorshaha doorashooyinka waxaana mucaaradku ku tilmaameen mid “hal dhinac ku socda”, kana fog talo wadaag qaran.
Golaha cusub ee Somali Future Council, oo ka kooban madaxda Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiin mucaarad ah, waxay si cad u sheegeen in doorasho aan heshiis ku dhisneyn aysan aqbaleyn. Waxaana ay bilaabeen qorshaha shir qaran oo ay ku dhisi doonaan madal siyaasadeed midaysan.
2. Jubaland – Xiisad Khatar keeni karta Qaybsanaan cusub
Doodihii u dhexeeyay dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa burburay, iyadoo xaaladdu gaartay heer lagu kala tegay eedeymo iyo hanjabaad siyaasadeed.
Dowladda Federaalka ayaa ku dooday in maamulka Jubaland uu yahay mid sharci darro ah, waxayna bilaabeen qorshe ay ku dhisayaan maamul kale oo xarun u noqonaya Garbaharey—arrin loo arko faragelin siyaasadeed.
Dhanka kale, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa digniin adag bixiyay, isagoo sheegay in cid walba oo isku dayda burburinta Jubaland “la hor istaagi doono.”
3. Soo Laabashada Farmaajo – Calaamad Siyaasadeed oo Culays Wadata.
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, taas oo dhalisay falcelin ballaaran.
Soo laabashadiisa waxaa loo arkaa mid dareensiinaysa Villa Somalia in mucaaradku isu diyaarinayaan midnimo siyaasadeed oo xoog leh.
Madaxweyne hore maxamed Cabdulahi Farmaajo Waxa uu sheegay in lagama maarmaan tahay in doorashadu noqoto mid “muwaadin kasta oo Soomaaliyeed xaq u leeyahay, ee aan dowlad keli ahi go’aan ka gaari karin.”
4. Isbeddellada Dastuuriga ah – Si Sharci Darran Loo Riixay
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh waxay si deg-deg ah u sameysay wax ka beddel dastuurka, iyadoo ku andacoonaysa inay diyaar u tahay doorasho hal qof iyo hal cod ah.
Laakiin mucaaradka iyo dowlad goboleedyada qaarkood waxay ku eedeeyeen dowladda in isbeddelladaasi ahaayeen kuwo sharci jabin ku dhisan, loona adeegsaday awood dowladeed oo cabburin leh.
Xilli madaxweynah waq tigiisa sii dhammanaya laftiisu isdiiwaangeliyey doorashada, mucaaradku waxay u arkaan arrintaas in doorashadii loo diyaargaroobayo isagoo horeba hoggaanka gacanta ku hayay.

