wadooyinka magaalada Beledweyne ayaa maanta la isku furay waxaana is afgarad laga gaaray xiisaddii taagneyd magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne oo kulamo kala duwan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka magaalada gaar ahaan ehelada marxuumka dhintay.
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii ku qanciyay in xiisada la dajiyo lagana wada shaqeeyo nabad-galyo, isaga oo u balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan caadallada loo waafajin doonno kiiska dhimashada taliyaha iyo cid kasta oo ku lug yeelata.
Balse wali wax xal ah lagama gaarin Xiisadii u dhexaysay Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo Xukumada Hirsheelle ee uu hugaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Magaalada Baladweyne waxaa ku sugan Xildhibaano laga soo doorto Hirshabeelle oo halkaas u tagay xalinta xiisadaan iyo Xubno ka socda gudi Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u magacaabay in soo baaraan waxa keenay dhimashada Taliyihii Booliska Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

