Tuesday, April 14, 2026
HomeWararTurkiga oo Cambaareeyay weerarkii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Turkiga oo Cambaareeyay weerarkii ka dhacay Magaalada Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si kulul loogu canbaareeyay weerarkii  Al-Shabaab ay la beegsadeen hoteelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Waxaan si xoog leh u canbaareyneyaa weerarka bahalnimada anagoo tacsi u direena dadka walaalaheena iyo dowlada soomaaliya ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaan ilaah ugu baryeenaa naxariis dadka ku nafwaayay weerarka sidoo kale waxaan u rajeyneynaa caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah kuwa dhaawaca ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga .

Ugu danbeyntii waxaa qoraalka lagu sheegay in dowlada Turkiga ay sii wadi doonto ku garab istaaga shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe