Friday, November 14, 2025
HomeWararGudahaTaliska Daraawiishta Jubbaland ee Degmada Doolow Oo Soo Saaray Amarro Cusub Oo...

Taliska Daraawiishta Jubbaland ee Degmada Doolow Oo Soo Saaray Amarro Cusub Oo Lagu Adkaynayo Amniga

Taliska Daraawiishta Jubbaland ee degmada Doolow ayaa soo saaray amarro cusub oo ku socda bulshada ku nool degmada iyo deegaannada ku hareeraysan, kuwaas oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida guud ee deegaanka.

War-saxaafadeedka ka soo baxay taliska ayaa ka koobnaa qodobo dhowr ah sida in Gaadiidka ku shaqeeya beeselka La siin doono oggolaansho wixii ka bilaabma, Gawaarida oo aan loo oggolaan doonin inay waddooyinka isticmaalaan wixii ka dambeeya 6:00 galabnimo, marka laga reebo xaaladaha degdegga ah ee oggolaansho hore loo fasaxay.

Sidoo waxaa qeyb ka ah amarada lasoo saaray in aroosyada aan Loo ogoleen in ay isticmaalaan in ka badan 6 gaari, waxaana gabi ahaanba la mamnuucay aroosyada socda wixii ka dambeeya 5:30 galabnimo.

War saxaafadeedka waxaa sidoo kale shaaca looga qaaday arinta la xiriirta Isticmaalka indhashareerka oo si buuxda loogu mamnuucay gudaha degmada, iyadoo aan loo oggolaan doonin in lagu dhex wato gudaha magaaladaasi.

Taliska ayaa bulshada uga digay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo jebisa mid ka mid ah qodobadan, iyadoo aan la aqbalayn wax cudurdaar ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe