Shirka Wada-tashiga Madaxda Dawladda Federaalka ah iyo Maamulada Xubnaha ka ah DFS ayaa hadda ka Furmay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
Shirka waxaa Furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qayb ka ahaa, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.


