Saacadihii la soo dhaafay waxaa roob xoogan uu ka da’ay meelo kamid ah Gobolada dalka, isaga oo saameyn ku yeeshay isku socodka dadka, Ganacsiga iyo Gaadiidka, sidoo kalena ay ku xirmeen Garoomo diyaaradeed.
Magaalooyinka uu roobka ka da’ay ayaa waxaa kamid ah Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo degaano katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.
Warraka aan helnay ayaa sheegaya in Roobkii ka da’ay Magaallada Dhuusamareeb iyo degmada Baardheere uu saameeyay Shaqada Garoomada Diyaaradaha, kuwaas oo u xirmay Biyo farabadan oo galay Goobihii ay diyaaradaha ku degi lahaayeen.
Magaalada Dhuusamareeb sidoo kale waxaa Roobka uu xiray isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Xaafadaha qaar kaidb markii uu waddooyinka biyo dhigay, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Guryaha qaar ay Biyaha galeen.
Sidoo kale Roobkii ka da’ay degmada Baardheere ayaa waxaa ka dhashay daadad xoog badan, iyada oo sidoo kale fatahaad uu sameeyay Wabiga Jubba iyo Roobka oo isku darsamay ay kala xireen xaafadaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Afar xilli Roobaad ayaa Soomaaliya uusan ka di’in Roobka, waxaana ka dhalatay abaar xoogan oo saameysay dad iyo Duunyo, hayeeshee hadda uu Roobka k billaawday qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.