Home Warar Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

19

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay waxaa ay Gudaha dalkaasi ku dileen Wiil Dhalinyaro Soomaali ah, kaas oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsata Gudaha dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray liibaan Faarax Kheyre ayaa waxaa lagu dilay meel u dhow Goobtiisa Ganacsi oo kutaal Magaladda Queenstown Gobolka Eastern Cape Ee dalkaasi Koonfur Afrika, iyada oo kooxdii dilka u geysatay ay baxsadeen.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, waxaana sida caadada aheyd ay sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas, balse ay san ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca dilalka loo geytso Soomaalida, waxaana laba habeen ka hor lagu dilay Maxamed Ismaaciil Kiish oo kamid ahaa Odayaasha ugu caansan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika