Ugu yaraan 42 qof ayaa loo maleynayaa inay dhinteen kaddib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay toddobaadkii hore ku degtay xeebaha dalka Libya, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM).
Toddobo qof oo badbaaday ayaa la helay kaddib markii matoorka doonta uu cillad ku yimid, xilli hirar xooggan jireen waaberigii 3-dii Noofambar, dhowr saacadood markii ay ka baxday magaalada xeebta ah ee Zuwara ee waqooyi-galbeed Libya, sida ay sheegayso IOM.
Badbaadayaasha ayaa muddo lix maalmood ah ku go’doonsanaa badda, waxaana la helay markii mas’uuliyiinta Libya ay sameeyeen howlgal samatabixin ah meel u dhow saldhigga shidaalka ee al-Buri Sabtidii.
Doonta caagga ah waxaa lagu sheegay inay wadaysay 47 nin iyo laba dumar ah. Dadka la la’yahay waxaa ka mid ah 29 Suudaani ah, siddeed Soomaali ah, saddex Cameroon u dhashay iyo labo Nigerian ah.
IOM waxay sheegtay inay si degdeg ah u siisay daryeel caafimaad, biyo iyo cunto badbaadayaasha, kuwaas oo loo qaaday Tripoli, halkaas oo lagu sheegay inay ku jiraan xaalad deggan inkastoo ay la ildaran yihiin xanuuno ka dhashay intii ay ku jireen biyaha badda.
Libya waxay noqotay meel ay maraan muhaajiriinta ka soo cararaya colaadaha iyo saboolnimada Afrika iyo Bariga Dhexe.
Bishii hore, doon alwaax ah oo ka baxday al-Zawiya ee waqooyi-galbeed Libya ayaa ku degtay hirar xooggan, waxaana ku dhintay 18 qof, sida uu sheegay IOM. Waxaa ka badbaaday 64 qof oo u dhashay Suudaan, Bangaladesh iyo Pakistan.
Shilkan ugu dambeeyay wuxuu sii kordhiyay tirada dhimashada ee badda Mediterranean-ka dhexe, halkaas oo in ka badan 1,000 qof ay ku dhinteen tan iyo bilowgii 2025, oo ay ku jiraan in ka badan 500 qof oo ku lagu waayay xeebaha Libya, sida ay sheegtay mashruuca IOM ee Raadka Muhaajiriinta Maqan.

