Tuesday, May 12, 2026
HomeWararMareykanka & Shiinaha oo is weeydaarsaday digniin la xirirta Taiwan

Mareykanka & Shiinaha oo is weeydaarsaday digniin la xirirta Taiwan

Hoggaamiyayaasha Maraykanka iyo Shiinaha ayaa midba midka kale uga digay Taiwan, xilli ay ku wada hadleen taleefoon qaatay in ka badan laba saacadood.

Madaxweyne Joe Biden ayaa u sheegay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, in Mareykanka uu si adag uga soo horjeedo dhaqdhaqaaq kasta oo hal dhinac ah oo lagu bedelayo maqaamka jasiiradda.

Laakiin waxa uu intaa ku daray in siyaasadda Maraykanka ee Taiwan aanay waxba iska beddelin.

 Beijing ayaa sheegtay in Mr Xi uu u sheegay Mr Biden inuu u hogaansamo mabda’a ah in Shiinuhu yahay hal dal, isaga oo uga digay in “qofkii dab ku ciyaara uu ku guban doono”.

Xiisadda arrintan ayaa kor u kacday ka hor qorshe la isla dhex marayey oo ah in afhayeenka Aqalka wakiillada ee Maraykanka Nancy Pelosi ay booqasho ku tagayso Taiwan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe