Tuesday, January 13, 2026
HomeWararKISMAAYO:- Maamulka Jubbaland Oo Joojiyay Hirgelinta Degmooyin Cusub.

KISMAAYO:- Maamulka Jubbaland Oo Joojiyay Hirgelinta Degmooyin Cusub.

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Jubbaland, ayaa Joojiyey in la hirgaliyo Deegaano hor leh oo lagu soo dari lahaa Deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Warbaahinta u sheegtay in la joojiyay hirgelinta tuulooyin, degmooyin iyo magaalooyin lagu soo daro Jubbaland.

Waxa uu sheegay in dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ay sharci ka soo saareen arrintan loona baahan yahay in shacabka iyo madaxda kale ay u hogaansamaan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in wasaarada arrimaha gudaha looga baahan yahay in sharciyada ay hirgeliso kana hortagto cid walbo oo dooneyso iney sharciga ka talaabsato.

Odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe waday olole magaalooyin iyo degmooyin cusub loogu soo darayo Jubbaland balse waxaa arrintaas ka soo horjeestay madaxda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe