Friday, November 14, 2025
HomeWararGudahaDowladda Mareykanka oo 43 maalin ka dib billaabeysa bixinta mushaaradka iyo howlaha...

Dowladda Mareykanka oo 43 maalin ka dib billaabeysa bixinta mushaaradka iyo howlaha hakadka galay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci dib loogu furayo howlaha hay’adaha dowladda oo hakad ku jiray muddo 43 maalmood ah.

Hakadkan ayaa bilowday kadib markii Madaxweyne Trump iyo Baarlamaanka ay isku khilaafeen miisaaniyadda dhismaha derbiga uu doonayay in laga dhiso xadka Mareykanka iyo Mexico.

Khilaafkan ayaa sababay in ay istaagaan kharashaadka ay heli jireen hay’ado ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Sharcigan cusub ayaa la ansixiyay kadib markii Aqalka Wakiillada iyo Senate-ku ay u codeeyeen in la bixiyo kharashaadka dowladda si howlaha dib loogu bilaabo.

Trump oo ka hadlayay xafiiskiisa ayaa sheegay in dowladdu ay hadda dib u bilaabayso shaqooyinkii caadiga ahaa, isagoo qirtay in dad badani dhibaato ka soo gaartay hakadkaas dheer.

Mudadii dowladda ay xirneyd, adeegyo badan ayaa istaagay, waxaana shaqo la’aan iyo mushahar la’aan noqday ku dhowaad 1.4 milyan shaqaale dowladeed.

Sidoo kale, dadka saboolka ah oo ku tiirsanaa kaalmooyinka cuntada ayaa saameyn weyn ku yeelatay, halka duulimaadyada gudaha dalka ay marar badan dib u dhaceen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe