Si Bulshada Loogu Wacyi Galiyo Ka Fogaanta Waxyaabaha Dhalin Kara Cudurada Faafa Si Gaar Ah Cudurka Coronavirus Ayaa Waxaa Masuuliyiin Ka Socota Wasaarada Caafimadaka Galmudug ay Maanta Kormeer iyo Wacyigalin Ka Sameeyeen Isbitaalka Guud Ee Degmada Cadaado Waxaan Kormeerkan Hogaaminayay Agaasimaha Caafimaadka Bulshada Ee Wasaaradaha Caafimaadka Galmudug Dr Cabdulahi Warsame Abtidoon Iyo Iskuduwaha Caafimadaka Degmada Cadaado.
Qeybaha Isbitaalka oo Ku Guda Jiray Bixinta Adeegyada Caafimaadka Ee Bulshada Ay Mid Mid u Booqdeen Masuuliyiintaan.
Dr Cabdi Xasan Cali Iskuduwaha Caafimadaka Degmada Cadaado Ayaa Warbaahinta u Sharaxay Wacyi Galinta Ay Sameeyeen.
Ugu Danbeen Waxaa Ay Kulan Laqaateen Maamulka Degmada Cadaado Kaas oo Ay Kala Hadleen Sidii Loo Helilahaa Xaruumo Dadka Looga Shakiyo Lagu Karantiilo.


