Guddoomiyaha Deegaanka Moqokori Ee Gobolka Hiiraan Xasan Makaraan cabdi Oo Wareysi Gaar Ah Siiyey Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado ayaa Waxa Uu Kaga Hadlay Halka Ay Marayaan dadaallada Nabadeed Ee Lagu Dhex-dhexaadinayo Maleeshiyo Beeleed isku Fadhiyey Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Hiiraan Ee Bartamaha dalka.
Guddoomiyaha Deeqaanka Moqokori Ayaa waxa Uu Sheegay In Ku Guuleysteen Kala Qaadista Maleeshiyo Beeleed Isku Hor Fadhiyey Deegaano Hoos taga Moqokori .
Waxa Uu Sheegay Maleeshiyaadkaan Ay kala Qaadeen In Ay Isku Hor Fadhiyaan Inta U Dhaxeysa Deegaanada Dhagax-yaale Iyo Mukuraale Oo ka Tirsan Gobolka Hiiraan.
Kala Qaadista Labadan Maleeshiyo Ayuu Ku Sheegay In Ay Ku Timid dadaal Ay Sameeyeen Maamulka Deegaanka Iyo Odayaasha Dhaqanka Taas Oo Ugu Dambeyn Suura-galisay In La Kala Qaado Maleeshiyaadkan.
Sidoo Kale Waxa Uu Hoosta Ka xariiqay In Laga Heshiiyey Dhammaan Qodobadii Ay Isku hayeen Dhinacyada dirirtu U Dhaxeysay.
Deegaano Dhawr Ah Oo Hoos Taga Degmada Maxaas Ee Gobolka Hiiraan Ayaa Muddooyinkii Dambe Waxa Ay Diriri Ku dhex-mareysay Qaar Ka Mid Ah Beelaha halkaasi wada-dega.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Moqokori Xasan Makaraan cabdi:-
https://holistickenko.com/about-amanda/
https://holistickenko.com/about-amanda/