Monday, May 18, 2026
HomeWararAl-Shabaab oo sheegtay in 30 Askari Kenyan ah weerar ku dileen

Al-Shabaab oo sheegtay in 30 Askari Kenyan ah weerar ku dileen

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Ciidamo Kenyan ah oo ku sugnaa tuulada Konton ee hoostagta degaanka Qorof-Xaraar ee Magaalada Wajeer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Weerarka oo isugu jiray qarax iyo mid toos ah ayaa Al-Shabaab sheegteen inay ku dileen 30 kamid ah Ciidamada Kenya, kuwaas oo isugu jiray kuwo lagu weeraray tuulada Konton & kuwo gurmad ahaa oo qarax lala beegsaday.

Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay la wareegee tuulada Konton ee Magaalada Wajeer, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Magaalada Wajeer ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin weerarkaas iyo sheegashada Al-Shabaab ee ah inay dileen 30 kamid ah Ciidanka Kenya ee ku sugan degaano hoostaga Magaalada Wajeer.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Al-Shabaab waxaa ay weeraro toos ah iyo qaraxyo la beegsadeen Saldhigyada Ciidamada Kenya ee (KDF) ku leeyihiin degaano hoostaga Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe