Monday, May 18, 2026
HomeWararAl-Shabaab oo isaga baxay degmada Matabaan

Al-Shabaab oo isaga baxay degmada Matabaan

Dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ee Maanta barqadii dagaal la’aanta kula wareegay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa isaga baxay degmadaas oo muddo saacado ah  ay ku sugnaayeen.

Al-Shabaab ayaa markii ay la wareegeen degmada Matabaan waxaa ay isku fidiyeen dhamaan Xaafadaha degmada, waxaana ay qaateen qalab yaallay gudaha Saldhiga Booliska degmada Matabaan, iyaga oo qaraxyo ku burburiyay Saldhiga.

Xogaha la helay  ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay fariisin ka sameysteen degaanka Dhisiqa oo wax ka 5km u jira degmada Matabaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Matabaan ayaa sheegaya in Ciidamadii markii hore isaga baxay degmada ay dib ugu soo laabteen, isla markaana xaaladda ay tahay mid degan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe