Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jubaland ayaa digniin ka soo saartay roobab culus iyo fatahaado laga cabsi qabo inay ka dhacaan deegaanada Jubaland laga bilaabo bisha Oktoobar, iyadoo bulshada loogu baaqay inay si hore ah ugu diyaar garoobaan khatarta ka dhalan karta.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubaland, Caydiid Suleymaan Xaashi, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in saadaasha cimiladu muujinayso khatar la xiriirta roobabka xilliga Deyrta, gaar ahaan kuwa la filayo inay bilowdaan horraanta bisha Oktoobar.
Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli hay’adaha cimilada iyo gargaarku ay Soomaaliya uga digayaan khatar sii kordheysa oo fatahaado ah xilliga Oktoobar ilaa Diseembar 2026, iyadoo la filayo saameyn xooggan oo El Niño ah.
Wasiir Caydiid ayaa sheegay in saadaasha ay tilmaamayso in ilaa 12 degmo oo Jubaland ah ay u nuglaan karaan fatahaadaha iyo roobabka xooggan, Waxa uu si gaar ah ugu baaqay dadka ku nool hareeraha webiyada, meelaha biyo-mareennada ah iyo dhulka hoose inay ka fogaadaan goobaha halista ah, isla markaana ay u guuraan meelaha ammaan ah haddii xaaladdu kasii darto.
Saadaasha cimilada ee gobolka ayaa sidoo kale muujinaysa in Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha la filayo roobab ka sarreeya celceliska xilliga Oktoobar ilaa Diseembar, iyadoo khatarta fatahaaduhu si gaar ah uga jirto hareeraha webiyada Jubba iyo Shabeelle.
Wasiirka ayaa sheegay in qiyaastii 1.8 milyan oo qof ay suurtagal tahay inay saameyn ku yeeshaan roobabka iyo fatahaadaha la saadaalinayo, halka in ka badan 351 kun oo qof laga yaabo inay ku qasbanaadaan inay ka barakacaan deegaanadooda haddii fatahaaduhu dhacaan, Waxa kale oo uu sheegay in ku dhowaad 45 xarumood oo caafimaad iyo 10 iskuul ay wajihi karaan khatar haddii ay dhacaan fatahaado waaweyn.
Digniintan ayaa xusuusinaysa fatahaadihii waaweynaa ee Soomaaliya ku dhuftay 2023, kuwaas oo barakiciyay in ka badan hal milyan oo qof, burburiyay kumannaan hektar oo dhul-beereed ah, isla markaana sababay khasaare ballaaran.
Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Jubaland gudaha dalka iyo qurba-joogta inay u diyaar garoobaan xaaladda, isagoo sheegay in loo baahan yahay isku-tashi iyo qorshe hore loogu sii diyaar garoobo, Wuxuu xusay in bulshada Jubaland ay horey uga gudubtay abaaro daba dheeraaday, xilli dowladda, ganacsatada, culimada, ciidamada iyo bulshada rayidka ah ay ka qayb qaateen gurmadka dadka ay abaartu saameysay.
Hase yeeshee, wasiirku wuxuu dhaliil u jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Jubaland aysan helin taageeradii ay ka filaysay xilligii abaarta, wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay in taageerada loogu talagalay Jubaland si toos ah loo gaarsiiyo maamulka.
Wasaaradda ayaa ku baaqday in hay’adaha dowladda ay sameystaan qorshayaal gaar ah oo looga hortagayo saameynta fatahaadaha, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, beeraha, xoolaha iyo ilaalinta bulshada.
Wasaaradda Beeraha iyo Xoolaha ayaa laga doonayaa inay qaaddo tallaabooyin ku saabsan la-qabsiga isbeddelka cimilada, halka Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Haweenka loogu baaqay inay diyaariyaan qorshayaal u gaar ah oo lagula tacaalayo saameynta fatahaadaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale soo jeediyay in la sameeyo ciidan ama cutub gaar ah oo loo tababaro gurmadka iyo ka jawaabista musiibooyinka dabiiciga ah, si uu si degdeg ah uga howlgalo goobaha ay fatahaaduhu saameeyaan.

