Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in qayb kamid ah awoodda tamarta ay la wareegtay si ay xal ugu hesho dhibaatooyinka kasoo gaaray duqeynta Ruushka uu ku beegsaday keydka & xarumihii tamarta ee Dalkaas.
Saraakiil u hadashay Kyiv ayaa sheegtay in weli aanay la gaarin bartii yoolkoodu ahaa balse illaa xad xal muuqda laga sii faaiideysan karo si loo badbaadiyo boqolaalka ruux ee qabowga saameynta taban ku reebay ee u baahan in ay diirimaad helaan.
Dowladda ayaa sheegtay in cabirka qabowga uu ka hoos maray derajada ugu hooseysa marka xaalka sidaan uu noqdana dadka ay u baahan yihiin diirimaad haddii kale wadnaha uu istaagi karo qabowgaas awgii.
Dowladdu waxa ay Shacabka usoo jeedisay in ay isaga baxaan meelaha aanay gaarin tamarta si ay u badbaadiyaan naftooda, waxa ay rejo ka muujisay in xal degdeg ah la helo si loo badbaadiyo Dadka aanay awoodin u adkeysiga Qabowga.
Ruushka ayaa burburiyay meelo muhiim ah oo ku yaalla Ukraine, Kyiv ayaa dhiggeeda Moscow ku eedeysay in ay halis gelineyso Dadka u dhashay Dalkaas kaddib markii a beegsatay goobaha ay ugu baahida badan yihiin.

