Monday, May 11, 2026
HomeWararWafdi ka socda Mareykanka oo gaaray dhuusamareeb.

Wafdi ka socda Mareykanka oo gaaray dhuusamareeb.

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe), ayaa Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay wafdi ka socday AFRICOM, kuwaas oo maanta gaaray halkaas.

Wasiirka ayaa wafdiga gaaray Dhuusamareeb la yeeshay kulan, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin in ay iska kaashadaan la dagaalanka Ururka Al-Shabaab iyo howlgallada ka socda dalka.

Wasiir Gaboobe ayaa AFRICOM uga mahadceliyay doorkooda ku aaddan la dagaalka Al-Shabaab iyo sida ay xilli kasta ugu heellanyihiin in ay bulshada Soomaaliyeed ku garab siiyaan in ay iska dulqaadaan.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee (AFRICOM) ayaa waxaa ay Soomaaliya ka caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab, iyaga oo mararka qaar duqeymo u geysta fariisimaha Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe