Home Warar Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Maanta Kulan Ku Yeelanaya Muqdisho

Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Maanta Kulan Ku Yeelanaya Muqdisho

68
0

Xildhibaannada Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulanka 10aad ee kalfadhigooda 4aad,waxaana maanta ay ka doodayaan hindise sharciyeedka Hay’adda Naafada Qaranka.

Hindise sharciyeedkan waxaa 17kii Bishii la soo dhaafay ee November u ansixiyay Golaha shacabka ee Soomaaliya.

Hindise sharciyeedka Hay’adda Naafada Qaranka ayey maanta gelin doonaan aqrinta 1aad,waxaana uu mari doonaa ilaa saddex Aqrin,halkaas oo ay kaddib cod u qaadi doonaan.

Guddoomiyaha Guddiga xuquuqul Insaanka  ee Golaha Shacabka Xaawo Yuusuf, ayaa sheegtay in marka la sameeyo hay’addan ay kaliya ka shaqeyn doonaan dadka lixaadkooda dhimanyahay.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin, ayaa kal hore golaha shacabka ka hor sheegtay in xukuumadda ay hay’addan u aragtay muhiim sidaas darteedna loo sameeyay.