Home Dhageysi WARBIXIN:-Samatyn intee La,eg ayaa Kadhalatay Maqnaanashaha Sacada Kooban Oo Hawada ay Kamaqneed...

WARBIXIN:-Samatyn intee La,eg ayaa Kadhalatay Maqnaanashaha Sacada Kooban Oo Hawada ay Kamaqneed shirkada Isgaarsiinta Hurmuud Galgaduud

98

Gabi ahaanba Gobolka Galgaduud iyo Qaybo Kamida Mudug iyo Hiiraan aan Laga Isticmaalin Lacagta Shilinka Soomaaliga Waxaana Dhibaato badan Kuqaba Dadka Danyartaa Ee Kunool Meelaha aan Laga isticmaalin Lagacgta Soomaaliga.

Samaynta Diidmada Lacagta Shilanka Soomaaliya ayaa Hoos u dhigtay Nolosha Bulsho badan oo Kunoolaa Nolol Wanaagsan Kahor Diidmada Lacagta Shilinka Soomaaliga Madaama Lagu Nacay Lacagihii ay Adeegsanayeen Waxaana Hada intabadan Wax lagu Kala iibsadaa Adeega EVC PLUS oo ay Bixiso Shirkada Isgaarsiinta Hurmood.

Shalay Qaybo Kmaida Gobolada Galgaduud iyo Mudug Waxaa Saacada Kago,ay Adeega isgaarsiineed Ee Shirkada Hurmuud Waxaana Mar Qura Lawaayay Wax ay Dadka Wax kukala iibsadaan Maadamada ay isticmaalayeen Taleefanadooda Gacanta ayna Meesha Kabexeen.

Dhibaato Bdan ayay Ku abuurtay Dadka Qaarkood Oo awoodi Waayay iyaka oo Lacagta ay Taleefanooda Kujirto in ay Iib Sadaan Waxyaabihii ay u Baahnaayeen Maqnaashada Adeega isgaaersiineed Ee Hormuud Oo Hada ay ku aruurtay Kala iibsiga Badeecooyinka Gobolka Galgaduud iyo Qaybo Kamida Gobolada Hiiraan iyo Mudug.

Waxaa Waajib kunoqotay in Qofwalba Oo Kunool Goobaha aan Laga isticmaalin Lacagaha Shilinka Soomaaliga in uu Iibsado Taleefanka Gacanta Waxaana Dhibaato kuqaba Dadka Kunool miyiga iyo Dadka Waawayn Oo aan Garanayn si ay u isticmaalaan Taleefanadooda Gacanta.

Cabdi Ciise Waxa uu Kamid yahay Ganacsatada Magaalada Caddaado Waana Maamulha Maqaaxida Green House oo Kamida  Maqaaxiyaha ugu waawayn caddado Waxa uu iiga Warbixiyay Waxyaabihii ay Lakulmeen Saacadihii ay Hawada Kamaqneed Shikada is Gaarsiinta Hurmuud.

W/Q:-Shaafici Shariif