Home Warar Mareykanka Oo 27-Sano Ka Dib Safaaraddiisa Ka Furanaya Muqdisho

Mareykanka Oo 27-Sano Ka Dib Safaaraddiisa Ka Furanaya Muqdisho

147
0

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dib u fureyso safaaraddii Mareykanka uu ku lahaa Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu dib u billaabayo howlgalkiisa diblomaasiyadeed ee joogtada ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in arrintay ay ka dhalatay kaddib markii xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagtay islamarkaana xiriirka labada dal loo baahanyahay in la xoojiyo.

Heather Nauert, oo ah Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ay Dowladda Mareykanka ku kalsoontahay dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa safaaraddiisa Muqdisho xiray Sanadkii 1991kii,markaas oo ay dhacday dowladdii dhexe dalkuna galay kala dambeyn la’aan.

Sidoo kale Mareykanka ayaa shaqaalahiisa diblomaasiyadeed iyo kuwa kale ee samafalka iyo muwaaddiniintiisa kala baxay Muqdisho sanadkii 1993dii markaas oo uu dhacay dagaalkii loogu magac daray Black Howk Down, oo ay ku dhinteen kumanaan Soomaali ah iyo 18 Askari oo Mareykan ah.